C.RISAAQ ANSHAX Hees MUWAADIN B A A Q I I 2022
Cabdirisak Anshax Cabdirisak Anshax
227K subscribers
141,731 views
1.7K

 Published On Jun 10, 2022

Heesta MUWAADIN B A A Q I I
Ereyadii ABW Talasame
Laxanka & M,usic C.fataax Mukhtaar
Codka C.risaaq ANSHAX
Dubista & Habaynta Abokor DiiNo & Jeex

Heestani waxay lahadlaysaa shacabka reer somaliland waxaanay ku boorinaysaa in ay horumarkooda iyo nabadooda ilaashadaan qabyaaladana ka fogaadaan.

::::ARAAR::::
Buuq maahe waa baan
Waa bayaan dareenloo
Waa muwaadin baaqii
###^^###
###^^###
Dawladnimadu waa buur
Iyo damal hadh badanloo
Lagu wada badhaadhee
Tartan goorta loo baxo
Xisbiyada is buriyee
Midba uu mid beenshiyo
Baacdame siyaasiga
Bah bah iyo tola’ay iyo
Baayac nagu furfura ee
Berritana na dhaafoow
*******
Qajeelaad na baabteen
Oonu kala belownaye
Idinkoo an kala bixin
Reer reer sidii berri
Buun noogu kala tumin
Hayaay noogu kala badin
Kacaay noogu kala badin
*******
Beel ka doorta beel kale
Baranoo ka daalnaye
Soo bandhiga wax qabadoo
Afkaar noogu baratama
Oo hal beegsigiiniyo
Badda keena qoondaha
Berritiyo wax qabashada
***DHAQAN/JIIB***
Bulshadii dalkani hooy
Wey bislaatayoo hooy
Wey baraarugtee hooy
Horumarinta baladkiyo
Amni bilida qarankiyo
Kaabayaal binayntiyo
Tacliintiyo wax barashada
Beerihiyo wax falashada
Kala aragti baydhkiyo
Hiigsi beegsi hadafkaad
Noogu ku kala baxaysaan
(2)
Bulshadii dalkani hooy
Wey bislaatayoo hooy
Wey baraarugtee hooy
Barwaaqaynta degalkiyo
Baylah tirida qarankiyo
Shaqo baahintiiniyo
Dal jacayl badnaanshaha
Bishlidiyo tudhaalaha
Kala aragti baydhkiyo
Hiigsi beegsi hadafkaad
Noogu ku kala baxaysaan
BY:TALASAME

show more

Share/Embed