Sidee ayaad kaligaa wax isku bari kartaa ? 5 xeer ee wax is barida sare
Mubarak Hugur Mubarak Hugur
50.6K subscribers
130,431 views
8.1K

 Published On Premiered Jun 23, 2023

Shanta xeer ee wax is barida toosan guushana laga gaadhi karo (ULTRA LEARNING)
👇

Xeerka 1aad

Aqoonta aad rabto in aad adigu is bartaa ha noqoto mid aad xiisaynayso.
Marka aad kaligaa tahay ee aad haynin cid kula xisaabtamaysa ama wajibaad kaa rabta, waxa laga yaabaa inaad caajisto ,sida ay dadku u badanyiin , maarkaa si taa aad ugu badbaado cilmi aad xiisaynayso barashadiisa dooro .

Xeerka 2aad

waa in aad raacdo manhaj tolmoon oo kaa caawin kara inaad ka dhabayso riyadaada .
Hadii aad raaci waydo manhaj toosan ,waxa ka dhalanaya in aad wado qaldan marto ama meel dheer aad kasoo wareegto oo niyad jab kugu dhaco .
Sida oo kale waxa kugu adkaanaya kala horaysiintii casharada iyo waliba in aad is qiimayso hadhaw .

Xeerka 3aad
Samee dhugasho xeeldheer(focus,تركيز)
Xiliga aad ku jirto waxbarashada .
Shan daqiiqo oo aad maskaxdaada soo jeedisaa waxa ay ka midho dhal fiicantay 50 daqiiqo oo aad maqane jooge tahay .
iska fogee dhamaan wax kaste oo ku mashquulin kara ,Sida mobilka iwm .
Taa badalkeeda waxa aad tagtaa meel daggan.
Hadiiba ay kusoo dhacdo niyadaada hawl muhiima oo aad hilmaamtay , ku qor warqad yar oo dheh hadhay ayaan samayn markaan dhameeyo xiisada .
waa mar kaliya ee ay banaantay dib u dhigistu.

Xeerka 4aad

Niyada waxa aad ku qabataa oo aad meel ku qorataa guusha ka dhalan doonta hawshan aad gacanta ku hayso .
Taasi waxa ay kaa caawinaysaa in aad hesho dar-dar cusub marka aad caajis dareento .

Xeerka 5aad

Adkaysi yeelo (samir).
Samirku Waa sirta ka dambaysa guul kaste oo la gaadho
"Qofka samirka diidaa sirta nolosha muu baran"
"Ninkii samraa sedkiisa hela"
Waa hubaal in aad cadaadis badan la kulmi doonto balse dhabar adagayg samee oo hays dhiibin waligaa .

Xeerka 5aad .

Dooro asxaab kugu kaalmaysa hadafkaaga .
Waxa jirta odhaah dhahaysa " ii sheeg cida aad raacdo maanta ,aan kuu sheego cida aad noqonayso bariye "
Inta kaa agdhawi waxa ay kugu yeelanaysaa saamayn aad u buuran ee dooro dad wanaagsan.

Tusmada muuqaalka


00:00 bilow
00:00- 02:30 hordhac
02:31- 02:40 intro
02:41- 07:5 qodobka 1aad
07:06- 10:16 qodobka 2aad
10:17- 11:05 qodobka 3aad
11:06- 13:47 qodobka 4aad
13:48- 16:03qodobka 5aad

show more

Share/Embed