nimco jaamac anbe dunida maan arag | waxa dabarka lagu xidhay | Neima Djama | anbe dunida maan arag
DHUGMAAL LYRICS DHUGMAAL LYRICS
116K subscribers
394,889 views
1.4K

 Published On Dec 22, 2022

Heesta : Anba dunida maan arag
Luuqda: Nimca Jaamac Migil
LYRICS: DHUGMAAL

QORAALKA HEESTA (LYRICS)

Anba dunida maan arag
Dabadaana maan bixin

Waxa dabarka igu xidhay
Ii diiday seetada
Garo inay dartaa tahay

Samaheena diidaa
Isagaa ku daaliyee

Ina dedaye caashaqu
Anba kula dabaashayoo
Waa aniga la duubanee

Ku dul saaray xaalkee
Ina daadaheeyoo
Tusmadana inoo daa
**********************
Waxay taladu durugtaa
Ama kaa dullaantaa

Hadal kaa durdurriyaa
Dibnahaaga dhaafaa
Dadna kula oggaadaa

Kolka laysku diido'e
Laga weecsho daawga'e

Labada isu daacada
Ayuu diradiraaliyoo
Dadna kala kaxeeyaa

Ku dul saaray xaalkee
Ina daadaheeyoo
Tusmadana inoo daa
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #DHUGMAAL

show more

Share/Embed